Thursday, January 8, 2009

somalia iyo siyaasada 2009ka

somalia waa wadan ay hareereeyeen colaado soo jiitamaaye mudo dheer tasoo sababtey barakac aad ubalaaran waxaan qoraalkan ku xusi donaa wax yabaha soo wajahan wadanka somalia iyo waliba siyaasadaha iska soo horjeedo ee dhinacyada kala duwan.

DOWLADA FADERALKA

kadib is casilaadii cabdilaahi yuusuf waxaa sii yaraatey awooda dowlada faderaalka oo awalkedii horeba aan inta badan gacanta ku heynin dalka somalia , waxaa jira loolan xoogan oo udhaxeeya siyaasiyiinta dowlada federalka oo mudo soo jiitamaayey natiijadisna la wada ogyahay iney ka danbeysay is casilada c/laahi yusuf oo beesha calamka ay ku cadaadisey inuu is casilo iscasilaada c/laahi yusuf waxay keeni kartaa sida la wada aaminsanyahay in tagerayaal badan oo aamin sanaa inuu madaxweynahii hore ee somalia yahay mid kusoo dabaali kara nabad somalia lehna karti madaxweyne nimo tageerayashas oo ubadan puntland ayaa laga yabaa iney ku dhawaaqaan iney ka madaxbanan yahin somalia inteeda kale taasoo ay sabab ooga dhigi karaan in ay burburtey dowlada federalka.


ISLAAMIYIINTA
islaamiyiin waxay inta badan ka taliyaan koonfurta somalia aan ka ahayn muqdisho iyo baydhabo sida ay horey ushegeen masuliyiin katirsan ururka alshabaab waxay shegen in ay sii wadayaan jihaadka xataa hadii ay baxaan ciidamada ethiopia waxa kaloy shegen in ay caalamka dhan gaarsiin donaan kitaabka ilahay ayna ku maamuli donaan .

MAREYKANKA
sida aan ka helayno ilo ku dhaw dhaw wasaarada arimaha dibada ee mareykanka ayaa waxaa naloo xaqiijiyey in uu mareykanku ka damacsanyahay somalia barnamij hada ka hor ay ka fuliyeen wadanka ciraaq barnaamijkasoo qabiilada ciraaqiyinta ah lagu hubeeyey si ay ujabiyaan awooda mujaahidiinta barnaamijkan ayaa waxaa laga fulin donaa inta badan koonfurta somalia
wararka aanu ka helayno konfurta somalia ayaa shegayo in qabilo kamid ah kuwa daga koonfurta somalia iyo sarakil amerkan ah uu dhex marey wada hadal kasoo ku saabsan sidii ay gu qayb qadan lahayen la dagalanka waxa uu ugu yeero mareykanka argagaxisada waxuuna ubalan qaadey qabiladasi in ay heli doonaa saanad hub ah iyo waliba dhaqale farabadan

somalia oo ah wadan ay dashadeen colado mudo dheer socdey ayaan hadana lahaynin wax saansaan ah oo nabadeed oo muuqata aysan jirin waan arki soonaa waxa xigi doona

somalia iyo siyaasada 2009 ka

somalia iyo siyaasada 2009 ka

Tuesday, January 6, 2009

Boorow!! Jacaylkii Lagu Hantay Daacadnimada!




aqrista yaasha sharafta mudan waxaan halkaan idiinku soo diyaariyay noocyada JACAYLKU ukala baxo,
jacaylku waa labo qaybood oo kala ah mid dhab ah iyo mid dhalanteed ah,
waxaa jiro in ay dadku aaminaan inta badan jacaylka dhalanteedka ah oo aysan marnaba aaminin midka dhabta ah . taasoo ay sabab u tahay qofwaliba cod karnimadiisa.

waxaa jira dad somali oo sameeya jacayl dhab ah iyo kuwa kaloo sameeya mid dhalanteed oo inta badan lagu guuleysto jacaylka dhabta ah. guushaasi waxaa sababa inta badan sida ay isugu kalsoonyihiin lamanayaasha daacada isku ah oo kawada hadla inta badan wanaag iyo kalmadaha xalaasha ay kuwada sheekeystaa iyo waliba mustaqbalkooda ay kahadlaan iyo sida ay kuwada noolaan lahaayeen,

marka waxaa dhaca mararka qaarkooda in lamaana yaasha mid kamid ah uusan kan kale si dhab ah u jaclayn laakiin ugu sheekeeya in uusan noolaan karin la,aanteeda ama la,aantiisa

midkaasoo ugu danbeyntii u jeclaada xad dhaaf kan jaloo daacada iska ahaan jiray

waayo taasi inta badan waxay ku dhacdaa ama sababa midkaasi kale daacadnimadiisa

marka walaalayaal jacaylka waa wax jira oo waliba leh mid dhab ah iyo mid dhalanteed ahba laakiin ogoow wax waliba in ay ku xiran tahay midka daacada ah jacaylkiisana daacad u ah

in uu ka abwood badinaayo kan kale,

Aqristoow qisadaani waa qiso dhab ah oo aniga igu dhacday hada ka hor oo aan ku bad baaday daacadnimada aan u qabay gabadha aan jeclaa oo haatan ila nool ayadoo maanta ii jacal sidaan u jeclaa si kadaran la,aantaydana aanay u maleyn in ay noo laan karto dhib walboo aan ka soo maro waxaa hubaal ah in aan maanta ku guu leystay jacaylkeyga dhabta ahaa aqristoow sidadaan dhabta ah waxaan idiin ku soo gudbin doonaa halkaan ayadoo Qoraal ah oo tafaasiil kaamil ah wadato min biloow ilaa dhamaadkeeda si aad u xaqiiq sataan DAACADNIMADA in ay tahay shay qaali ah oo guul iyo barwaaqo kuu horseedi karo hadaad tahay nin sidayda camal jacaylkiisa daacad u ah

sawiro

sawiro
daawo sawiradan

Followers