Thursday, January 8, 2009

somalia iyo siyaasada 2009ka

somalia waa wadan ay hareereeyeen colaado soo jiitamaaye mudo dheer tasoo sababtey barakac aad ubalaaran waxaan qoraalkan ku xusi donaa wax yabaha soo wajahan wadanka somalia iyo waliba siyaasadaha iska soo horjeedo ee dhinacyada kala duwan.

DOWLADA FADERALKA

kadib is casilaadii cabdilaahi yuusuf waxaa sii yaraatey awooda dowlada faderaalka oo awalkedii horeba aan inta badan gacanta ku heynin dalka somalia , waxaa jira loolan xoogan oo udhaxeeya siyaasiyiinta dowlada federalka oo mudo soo jiitamaayey natiijadisna la wada ogyahay iney ka danbeysay is casilada c/laahi yusuf oo beesha calamka ay ku cadaadisey inuu is casilo iscasilaada c/laahi yusuf waxay keeni kartaa sida la wada aaminsanyahay in tagerayaal badan oo aamin sanaa inuu madaxweynahii hore ee somalia yahay mid kusoo dabaali kara nabad somalia lehna karti madaxweyne nimo tageerayashas oo ubadan puntland ayaa laga yabaa iney ku dhawaaqaan iney ka madaxbanan yahin somalia inteeda kale taasoo ay sabab ooga dhigi karaan in ay burburtey dowlada federalka.


ISLAAMIYIINTA
islaamiyiin waxay inta badan ka taliyaan koonfurta somalia aan ka ahayn muqdisho iyo baydhabo sida ay horey ushegeen masuliyiin katirsan ururka alshabaab waxay shegen in ay sii wadayaan jihaadka xataa hadii ay baxaan ciidamada ethiopia waxa kaloy shegen in ay caalamka dhan gaarsiin donaan kitaabka ilahay ayna ku maamuli donaan .

MAREYKANKA
sida aan ka helayno ilo ku dhaw dhaw wasaarada arimaha dibada ee mareykanka ayaa waxaa naloo xaqiijiyey in uu mareykanku ka damacsanyahay somalia barnamij hada ka hor ay ka fuliyeen wadanka ciraaq barnaamijkasoo qabiilada ciraaqiyinta ah lagu hubeeyey si ay ujabiyaan awooda mujaahidiinta barnaamijkan ayaa waxaa laga fulin donaa inta badan koonfurta somalia
wararka aanu ka helayno konfurta somalia ayaa shegayo in qabilo kamid ah kuwa daga koonfurta somalia iyo sarakil amerkan ah uu dhex marey wada hadal kasoo ku saabsan sidii ay gu qayb qadan lahayen la dagalanka waxa uu ugu yeero mareykanka argagaxisada waxuuna ubalan qaadey qabiladasi in ay heli doonaa saanad hub ah iyo waliba dhaqale farabadan

somalia oo ah wadan ay dashadeen colado mudo dheer socdey ayaan hadana lahaynin wax saansaan ah oo nabadeed oo muuqata aysan jirin waan arki soonaa waxa xigi doona

No comments:

Post a Comment

sawiro

sawiro
daawo sawiradan

Followers